Home | News | Mareykanka & NATO oo ciidamo qabsada guud ahaan Somalia diraya XOG HOOSE

Mareykanka & NATO oo ciidamo qabsada guud ahaan Somalia diraya XOG HOOSE

Font size: Decrease font Enlarge font
image

Mareykanka iyo Gaashaan buurta NATO ayaa laga yaabaa inay ciidamo qabsada u diraan dalka Somalia, si looga hor tago soo fiditaanka dagaal yahannada Islaamiga ah.

Warar laga helay diblomaasiyiin ka qeyb galay shirkii madaxda Africa dhowaan ugu soo geba geboobay magaalada Kampala ayaa sheegay in isbaheysiga NATO uu tallaabadaasi u arko xalka kama dambeysta ah haddii qorshayaasha kale oo dhan ay fashilmaan.

Madaxa guddiga Midowga Africa Jean Ping, ayaa tilmaamay in xulufada Mareykanka iyo NATO aysan meesha ka saarin qorshe ay ku xoojinayaan howl gallada Milatari ee ka socda dalka Somalia.

Cabsida Mareykanka iyo NATO ayaa sii kordheysa ayada oo Dagaal yahanada Al-Shabab ay kusii dhowaanayaan xarunta madaxtooyada Somalia ee Muqdisho.

Mareykanka ayaa horey Somalia uga fuliyay dhowr weerar oo dhinaca cirka ah, kuwaasi oo lagu dilay madax sare oo ka tirsaneyd Dhaqaaqa Al-Shaba sida Aadan Xaashi Ceerow iyo Salax Cali Nabhan.

“Haddii midowga Afrika uu ku guul darreysto inuu hor istaago awoodda sii kordheysa ee xag jiriinta, Mareykanka iyo NATO waxa ay ku dhaqaaqi doonaan qorshahooda gaarka ah” ayuu yiri diblomaasi reer Yurub ah oo codsaday inaan la magacaabin.

Saraakiisha Mareykanka ayaa sheegay inay sidoo kale kordhin doonaan weerarada ka dhanka ah madaxda Al-Shabab ee lagu fuliyo diyaaradaha aan cidi wadin..

Dhowr dal oo reer Yurub ah ayaa dhowan
kordhiyay ciidamada ka jooga xeebaha Somalia ee sida la sheegay la dagaalama burcad badeedda laakin wada qorshooyin kale oo kuwaas ka duwan.

Comments (12 posted):

Ali on 29 July, 2010 05:15:00
avatar
Shaqsi maanta wadaniyad iyo bil'adanimo khatarinkara majiro oo Somali ah oo umaddi waa lamara hababiyaay waxeey qateen casharadi macalinka kacanka Maxamed Siyaad Bare oo ahaa shaqsiyataada kahormari wadaniyata hataba si looguso ciliyo tubta toosan ee xalaasha waa lobahanyahay in lahelo awood makhunisa kuna soo tosisa tubta toosan ee xalasha ah umadda Somaliyeed.Wabilaahi towfiiq
Cuumar on 29 July, 2010 06:08:40
avatar
Markaa walaal Calii xalkuuna waa maaxay?
Ali on 29 July, 2010 07:16:54
avatar
Maxeey adigu kulatahay?Jawaabtadu hanoqoto mid hufan oo lataaba khadikarta tarbiyata tosan.Wabilaahi tofiiq
qaranio waa macdahay on 29 July, 2010 08:24:07
avatar
ninkii soo joog laga waayo soo jiifo aa laga helaa kii diiday qabiilka jooji,shaqsi aad diido ood dalka u baabiso sida sh.shariif. diinta ood ku gabato. wadanka, calanka,diinta iwm umada islaamka soomali ah ayuu ka dhaxeeyaa marka ninkii rabo in uu wax ka noqdo mamulka dawlada waa in uu nidaam dadku uwada siman yahay martaa
sidaa si ka duwan adna waxba noqon maysid umadana waad dhibaysaa ilaa
dalka gaaladu qaadato ilmahaadana kuwoodoo kale kadhigto sida qaniis
iwm. ugu dambayn nin walbow gurigaaga
xukun kan umadana umada leh udaa.
qaranimo iyo nidaam kala danbayn cid walba ayaa ubaahan.wabillahi towfiiq
axmadey on 29 July, 2010 10:34:55
avatar
wa idin so dhaweyneynaa, sheydaminta alshababa iyo kuwa wato wadadka madax radiska hasan aways, dhagaha ka daraca, ka buriya waddanka, 20 sano ayey nafta no keenen, badda ku shuba, muqdisho ayey naa uriyeey, markan ma u carari karan asmara.
baabulka on 30 July, 2010 03:34:51
avatar
waad sugeyseen waxa aad rabteen ogaada waana soo socotaa marka aad dhahayseen ilaa iyo alaska ayaan qabanaynaa ogaada waxaad dhaafi la dihiin puntland iyo soomaliland iskaba dhaaf kenya iyo Ethiopia, intaa dhaheyseen diinta islaamka ayaan ku xukumeynaa aduunka oo dhan waxaad u soo horseedeysiin wadanka diinta gaalada marka awood lugugu qabsado adigoo hada waxa soomali ah ku gaaloobey Europe iyo america taasna idinka u sabab ah wayna iskaashanayaan soomaalida gaalada ah iyo kuwa cusub oo la gaaleyn rabo, maxaa kale oo ku xigo inaa idinka xabsiyada laidinku fool xumeeyo sida waxa ka dhacaya gontaanamo,hada iyo wax ka qabad. SOOMAALINIMO IYO CALANKA OO LA SHARFO inta aanan soomaalida oo dhan taageerin gaalada dhiaatada aad ku heysiin dartiisa umad dhib haysato ma ogo meesha u roon hadda inka ayaan isteersada buskaasha wadiin ee tashta ita wax laga qaban karo. wabilaahi towfiiq
on 30 July, 2010 08:29:17
avatar
sucdi.
WEbseedkaan boondheere been abuur badanaa oo waxaan jirin sheegi ogaa.
y.shigshigoow on 01 August, 2010 03:08:15
avatar
DIINTA ISLAAMKA KOR AYEEY AHAANDOONTAA GAALANA WEY JABI DOONAAN DADKU MARKA AY AQRIYAAN TAARIIQDA WAXAA USOO BAXAYA XASUUQII AY DAWLADII ISLAAMIGA HAYD EE KA JIRTAY SOOMAALIYA AY U GAYSTEEN RER YURUB IYO ITOOBIYA 1496 HADABA SOOMAALIYEEY OGAADA GUMAYSIGU IDINKA AYUU ISKU KIIN ADEEGSANAYAA EE CAQLIGA HA SHAQEEYO
on 01 August, 2010 05:30:25
avatar
shigshigoow jaahilnimada ku heeyso fara badanaa arintaan soomaaliya ka socoto diin shaqo kuma laha ee wdanka ajnabiga ku soo duulay ee masaakiinta gacmaha iyo lugaha gooynaaya miyaad ku farax santahay
tan maanta umadda masaakinta ku jirto gumeeysi ayaa dhaama.
Ahmed on 03 August, 2010 12:14:25
avatar
magaceyga waa axmed cali sheeikh, waxaan maamulaa caasimadda online ama www.caasimadda.com, sidaan arkay waxaad amr walba daabacdaan wararka website-keyga idinka oo aan i siin xuquuqda copy right-ka amrka sidan isku dhaamaa waalalayaa
baabuu on 04 August, 2010 07:35:10
avatar
hala raacdeeyo shayaadiinta diinta ku dhuumato, shabaab iyo xisbiga
c/raxmaan on 07 August, 2010 11:03:14
avatar
somaliyey waxan idiin sheegaa fu,aad shungule,aweys dahir ,rooboow,calidhere intaan waxey isku tilmaman mujaahidiin waxeyna kaganacsadaan lafaha somalida waxey udhofiyaan yahuuda .dumarka somaliyed waxey ku gursadaay si qasab ah xataa hadii laqabo INAA LILAAHI WANAA ILEYHI RAAJICUUN ilaah waxan uga baryaya inuu sidagdag ah ugu keeno kuwa jab iyo halaag ku rido ilaah na hanogu badalo kuwo kaqeeyr roon AAMIIN AAMIIN AAMIIN

Post your comment comment

Please enter the code you see in the image:

Tags
No tags for this article
Rate this article
0
Powered by Vivvo CMS v4.0