Home | News | Kun Askari oo dowlada KMG ah ka tirsan oo ku biiray Islaamiyiinta.

Kun Askari oo dowlada KMG ah ka tirsan oo ku biiray Islaamiyiinta.

Font size: Decrease font Enlarge font
image

Ilaa kun askar ka tirsan dowladda KMG oo lagu soo tababaray dalka Ethiopia ayaa la la'yahay ka dib markii tobabarka loo soo gaba gabeeyay, sidaasi waxaa ogaatay Xogta Media.

Tababarida ciidamadan ka tirsan dowladda KMG ayaa waxaa ku maal gelinayay dowladda Germany gudaha dalka Ethiopia, waxaana ciidamada la siiyay agab kala duwan ka dib markii tababarka uu u soo gaba gaboobay.

Ciidamadan oo tiradoodu ku dhaw dahay kun askari ayaa wararku waxaa ay sheegayaan in la waayay halkii ay ka baxeen labo bilood ka dib markii tababarka loo soo gaba gabeeyay.

Waxaa la aaminsan yahay inay ku biireen dhinacyada dagaalka uga ka horjeeda dowladda KMG gudaha Soomaaliya.

Dowladda Germany, oo lug ku laheyd ciidamada tababaridooda, ma aysan bixin faah-faahin dheeraad ah oo ku saabsan sida ay wax u dhaceen.

Sababta keentay goosashada ciidamadan tirada badan ayaa waxaa lagu waramayaa inay tahay mushaar la'aan.

Waxaa mar walba la arkaa ciidamo dibadda loogu soo tababaray dowladda KMG oo u goosta dhinacyada dowladda ka horjeeda, mana jirto wax ay dowladda KMG ka qabatay arrimahaasi.

Comments (8 posted):

mohamed on 01 August, 2010 03:21:38
avatar
waa sheeko been iyo borobagaando ah oo ciidamada dowlada lagu niyad jabinayo kadib markii xoog wax looga qaadi waayay.
somali on 01 August, 2010 11:36:02
avatar
wxaan la yaabanahay dadk ama websideyada qora waxyaabahaan oo kale runtii wxaa loo arkaa ame ay yihiin kuwo
ka soo horjeeda in nidaam iyo kala danbeeyn la helo marka waa cadaan laakin been meel ma gaarto
ahmed on 01 August, 2010 12:47:28
avatar
maxaa been ah ama run ah nikii ku soo tawabaray amaa dhaqaalaha ku siinaaye ayaaba ku sheegayo, dowlada ama america ama au africa yurubiyanka adinta somali kaa ku fashilateen 100% udaaya dadka somaliyeed oo wax garadka culumada dhalinyarada hooyoyinka dhamab intee birmagoosata ah talaka haloo dhiibo aabe ama adeer wax badan waa nasoo hoganiseen waana aragnay waxaa sameseen markaan u daaya dhalin
Samawade on 01 August, 2010 06:25:12
avatar
Websityada, journaalada iyo idaacadaha af soomaaliga iyo aljaziira waxay buunbbuniyaan wararka alshabaab alqaacida iwm marka ha joojiyaan haka hadlaan badbaadinta shacabka soomaaliyeed iyo wixii horumar leh ee tan kale yeeysan xarakada alshabaab ugu yeerin alshabaab mujaahidiin sababtoo ah yey ku mujaahidaan ma xasuuqa shacabka iyo cabburinta shacabka ayey ku noqdeen mujaahidiin ee ha loogu yeero alshabaabul xasuuq wabilaahi towfiiq
axmadey on 01 August, 2010 10:40:20
avatar
wax ma iska beddelayo, ha u tagano sheydaminta, gcmha iyo lugaha ayey ka jarayaan, ayagana wa l so socdaa, e yey cararin.
BOONDHEEROW LIBAAX on 02 August, 2010 12:58:37
avatar
KOLEY HADEY DHACDO IN CIIDAMADA QAARKOODA AY UGOOSTAAN AYNA U GOOSTAAN XISBUL JINI XAGOODA IYO DAAHIR WAXDRAN WAA ISKA CAADI SABABTOO AH ASALKOODA HORE WAXAAY KA SOO JEEDAAN REER WAXDARAN UMA ARKO WAX SIDAA UWEYN
Islam on 02 August, 2010 11:27:35
avatar
Waxaa mahad leh Allaah subxaana watacaa, Allahii waafajiyey in ay xaqa fahmaan. Waxaan leenahey GUUl , GUUL meelwalba oo aad tagtaan oo aan gaal iyo gaal gargaar loogu adeegeyn.

Axmaqyada kor wax kusoo qorayana waxaan leenahey Ilaahey xaqa ha idin tuso haduu idin sugnaaday. waxaadse ogaataan in GAAL IYO GAAL RAAC GUULDAREYSAN DOONAAN, iNSHA-ALLAAH.
axmadey on 03 August, 2010 01:59:48
avatar
jahilkan islam baxsaday, maxad u joogtaa adiga dibedda, ku biir sheydaminta hadday run ka tahay, galada aad shegeysid adiga iyo ciddada o dhan ayey ku so dhaweyee, jasaar kher ma qabtid.

Post your comment comment

Please enter the code you see in the image:

Tags
No tags for this article
Rate this article
0
Powered by Vivvo CMS v4.0