Boondheere: Dowladda Itoobiya oo soo faragelisay Khilaafkii soo kala dhexgalay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo ra’iisal wasaare Nuurcadde. Dowladda Itoobiya oo soo faragelisay Khilaafkii soo kala dhexgalay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo ra’iisal wasaare Nuurcadde. ================================================================================ jey Jey on 09 August, 2008 08:10:00 Dowladda Itoobiya ayaa soo faragelisay Khilaafkii u dhaxeeyay Madaxweynaha iyo Raiisal wasaaraha dowladda Federaalka.Sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo kudhaw Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho labo sarkaal oo Itoobiyaan ah kuwaasi oo katirsan Hoggaanka Ciidamada Itoobiya ee kusugan gudaha wadanka Soomaaliya. Labadani Sarkaal oo midkood uu yahay Janeraalka caanka ah ee lagu magacaabo Jeneraal Gabre ayaa waxa ay si toos ah u tageen Xarunta Madaxtooyada halkaasi oo ay kulamo kala gooni gooni ah ay kula qaadanayaan Madaxweynaha dowladda Federaalka C/llaahi Yuusuf iyo Raiisal wasaare Nuur Xasan Xuseen (Nuurcadde). Warar kudhaw saraakiisha Itoobiyaanka ayaa sheegaya in Saraakiisha ay dadaal ugu jiraan sidii ay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf uga dhaadhicin lahaayeen inuu aqbalo Xil kaqaadistii lagu sameeyay Guddoomiyihii Gobolka Banaadir Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) iyaga oo sidoo kale kala hadlaya Raiisal wasaare Nuurcadde muranka soo kala dhexgalay labada dhinac. Saraaliishani oo barqanimadii maanta kasoo degay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho ayaa kulamada ay labada masuul la qaadanayaan waxa ay ku riixi doonaan sidii meesha looga saari lahaa khilaafka waxaana sidoo kale wararku ay sheegayaan in saraakiishani oo u janjeera dhinaca raiisal wasaaraha ay Madaxweynaha ka dhaadhicinayaan qaabka ugu wanaagsan waraaqdii uu xilka kaga qaaday Maxamed dheere kuna magacaabay Dhagaxtuur oo aan isna weli aan u suuragelin in uu fadhiisto xafiiska Maamulka Gobolka Banaadir. Waxaa jira war hoosaad sheegaya in khilaaf uu u dhaxeeya Madaxweynaha dowladda Federaalka C/llaahi Yuusuf iyo Taliska Ciidamada Itoobiya ee kusugan gudaha Dalka Soomaaliya kaasi oo la xiriira xil kaqaadista Maxamed dheere iyo sidoo kale habka maamulka Ciidamada Dowladda Federaalka.