Linkz
  • Home | News | Afhayeenka Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab Shiikh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo sheegay .........

    Afhayeenka Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab Shiikh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo sheegay .........

    Font size: Enlarge font

    Afhayeenka Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab Shiikh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur ayaa shaaca ka qaaday in uu fashilmay qorshe la doonayay in lagu weerayo xoogag ka amar qaata Al-Shabaab oo ku sugan deegaanno ka tirsan Gobollada Bay iyo Bakool.

    Shiikh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur waxaa uu sheegay in qorshahaas ay abaabulayeen Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, kuwaasi oo uu sheegay in ay doonayaan sida uu hadalka u dhigay in ay dhibaato u abuuraan dadka rayidka ah ee ku sugan Gobollada Bay iyo Bakool.

    "Nimanka qorshahaas wada waxaa ka mid ah Muuse Suudi iyo Maxamed Qanyare, waxaanse u sheegeynaa in aysa taasi u suurtageli doonin oo aan la soconno qorshayaasha ay wadaan"ayuu yiri Shiikh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo u waramayay Idaacadda Somaliweyn ee Magaalada Muqdisho.

    Abuu Mansuur waxaa uu sheegay in ay Xoogagga Al-Shabaab yihiin kuwo leh awood ay ku ogaan karaan cid kasta oo abaabuleysa wax ka dhan ah, wuxuuna caddeeeyay in ay sii wadi doonaan halganka ay ugu jiraan sidii ay Ciidamada Itoobiya uga saari lahaayeen Soomaaliya.

    Dhanka kalena, Afhayeenka Al-Shabaab Shiikh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur waxaa uu soo dhaweeyay dadaallo lagu heshiisinayo Beelo wada dega Gobolka Bay, kuwaasi oo ay colaad dhexmartay, wuxuuna sheegay in ay gacan siinayaan cid kasta oo wanaag iyo nabadgelyo ka shaqeyneysa.

    Add to: Add to your del.icio.us del.icio.us | Digg this story Digg

    Comments (2 posted):

    UGAASKA on 04 July, 2008 04:50:14
    a/c waxaan salaamayaa dhamaan umada muslimiinta ah,waxaana bogaadinaya walaalaheen isku xilqaamay inay wadanka ka saaran gumaysiga gtaalada ah ee kusoo duulay wadanka.
    ha dhag-dhagaagin on 08 July, 2008 04:35:55
    itoobiya ha noolaato xaq-u-dirir xornimo u dirir xal-u dirir xoriyad u dirir weeye horta waa su'aale itoobiya iyo soomaaliya kee baa muslin badan jawaabtu waa iska cadahay waa itoobiya horta waa su'aale meles iyo afawarki maxay is dhaamaan jawaabtu waa iska cadahay meles waxaa uu rabaa soomaali mid ah oo siman waxaa uu diidan yahay in dadka biyaha webiga itoobiya ka yimaada laga gato biyihiisa laakiin cayr waxaa ay rabaan in ay naga dhaadhiciyaan afawarki afka ha goostee waxaa uu rabaa in shareecada islaamka lagu xukumo wadanka kkkkkkkkkkkkkkkkkqosol weeye
    nimanku waxaa ay kaga sii dareen bahasha siyaasada la yiraa iyagoo aabahood iyo awoowahood aanu u dhalan ayey dalaq iska soo yiraahdeen waxaan idin leyahay siyaasada waa hab-cilmiyeed u baahan dhalasho oo dhiiga bina'aadamku la isugu gudbiyo marka waxaa aydin la idiin abuurin haku wareerininee xaabadiina iska gurta

    Post your comment

    Please enter the code you see in the image:

    • Email to a friend
    • Print version
    • Plain text
  • Rate this article
    0
    Powered by Vivvo CMS v4.0