Archive

Mo Tu We Th Fr Sa Su
1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30



Somali BBC

SomaliLinks

  • Did you enjoy this article?

    (total 0 votes)
    Dagaalkan oo u dhaxeeya Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda ayaa haatan wuxuu ka socdaa qeybo ka mid ah Degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir.

    Dagaalka oo la isugu adeegsanayo hub culus iyo mid fudud waxaa uu qarxay kadib markii ay Kooxo hubeysan weerar ku qaadeen Saldhigga Booliska Degmada Kaaraan iyo Guriga Guddoomiyaha Degmada Kaaraan C/llaahi Maxamed Rooble.

    Dagaalkan oo weli socda ayaanan la ogeyn khasaaraha uu geystay, inkastoo ay jiraan warar sheegaya in dagaalkan uu geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira.

    Waa markii ugu horeysay oo Saldhigga Booliska Degmada Kaaraan weerar lagu qaado, sidoo kalena la weeraro guriga Guddoomiyaha Degmadaas, waxaana la xusuusan yahay in ay inta badan iska ka hor-imaadyada ay ka dhici jiri jireen Degmooyinka kale ee Gobolka Banaadir.

    Ugu dambeyntiina, dagaalkan oo aaney jirin cid weli sheegatay in ay ka dambeyso ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo shalay Dalka Jibouti ay heshiis ku kala saxiixdeen dhinacyada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya, iyadoo qodobada heshiiskaasna uu ku jiro mid sheegaya in xabadda la joojiyo.

    • Email to a friend
    • Print version
    • del.icio.us
    • Digg this

    Post your comment Comments (0 posted)