

Diyaarad duqeeysay tuulo lagu magacaawo Goobgaduud ee Gobalka Baydhabo.....
Wararka ka imaanaya tuulada Goob-guduud oo 30-kiilo mitir u jirta magaalada Baydhabo ayaa waxay sheegayaan in tuuladaasi duqeyn xoogan u geysteen saakay waaberigii diyaarado aan la garan wali cida iskale ama halka ey ka yimaadeen.
Tuuladan oo la sheegay in ey fariisin u aheyd kooxo islaamiyiin ah oo howlgalo dagaal ka wada gobolada Baay iyo Bakool ayay weeraradani ku wajahnaayeen, waxaana dadka deegaanku sheegayaan in goobaha la duqeeyay ey ka qodan yihiin godod waaweyn islamarkaana guryihii laduqeeyay dhulka ey galeen.
Wali ma cadda khasaaraha ka dhashay weerarkan diyaaradeed ee hawada ah, waxaana mid ka mid ah dadka deegaanka oo lagu magacaabo Hassan Mo`alim u sheegay wakaaladaha wararka aduunka in saakay waaberigii mar qura ka war heleen weerarkaasi xaga hawada ah.
Hassan Mo`alin ayaa sidoo kale sheegay in diyaaradahani ey ilaa saakay barqadii dul heehaabayeen deegaanadaasi.
XIGASHO: http://www.reuters.com/article/latestCrisis/idUSL9247217
Comments (0 posted):
Post your comment