kulan dhaxmaray Ra'iisul Wasaare Nuur cadde iyo Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo maanta natiijo la'aan ku dhamaaday.
Kulanka dhaxmaray madaxda KMG ayaa waxaa uu dhacay shalay galab Xarunta madaxtooyada ee Villa Soomaaliya,waxaana kulanka madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaraha uu ahaa mid laga hadlayay sidii meesha looga saari lahaa Khilaafka soo kala dhaxgalay.
Sida ay shabelle ay u sheegeen saraakiil diiday in la soo xigto oo ka tirsaan KMG kulanka madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo Ra’iisul l wasaare nuur cadde kama soo bixin wax natiijo ah waana uu guul dareystay.
Inkastoo anay si rasmi ah u cadeyn qodobada labada mas’uul ay xooga saarayeen ayaa hadana waxaa inta badan muhiimada kulanku uu ahaa mid looga gollahaa in meesha laga saaro muranka hareeyay labada mas’uul ee sii kordhayay maalmahaan.
Kulankii shalay oo ahaa kii ugu hareyay ee dhexmara madaxweynaha iyo ra’iisul wasaraha tan iyo markii uu soo ifbaxay muranka ka dhextaagan ayaana soo kordhin wax isfaham ah sida ay xaqijiyeen saraakil ku dhaw dhaw shirkaasi
Macada in kulanka madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha ay ka shaqeeyeen dhexdhaxaadiyaal iyo in si iskood ah ay u doorteen in ay kulmaan oo ay ka wada hadlaan waxa u dhexeeya.
Madaxwene C/llaahi Yuusuf iyo ra’iisul wasaare nuur cadde ayaa hada waxaa dhexyaala qilaaf aad u xoogan kaasi oo kusii baahaya qeybaha kale ee dawlada faderaalka Somaalia islamarkaana waxaa jira kala jiidasho dhinaca xubnaha dawlada federaalka oo nin walba uu doonayo in xagiisa loo bato .
Waa markii sadaxaad oo khilaaf heerkaan gaarsiisan uu soo kala dhexgalo madaxda dawlada federaalka intii ay jirtay,waxaana khilaafkii ugu horeeyay uu ahaa kii soo kala dhex galay madaxweyne c/llaahi Yuusuf Axmed iyo Guddoomiyihi baarlmaanka Sharif Xasan sheekh aadan,waxaana uu keenay in xubno badan ay ka gostaan dawlada federaalka oo mucaaradka ay ku biiray.
Khilaafkii xigay ayaa ahaa kii soo kala dhexgalay madaxweyne C/llaahi Yuussuf iyo Ra'iisul Wasaarihii hore Cali Maxamed geedi kaasi oo ku dhamaday in ay meesha ka baxaan cali geedi iyo rag kale oo aad ugu cad cadaa maamulka dawlada, waxana la sugayaa halka uu ku danbayndoono khilaafka xiligaan masidi shariif xasan sheekh aadan iyo cali geedi ayuu ra'iisul wasaaraha meesha ka bixi mise waji kale ayaa bxidoona
Comments (0 posted):
Post your comment