Safaaradda Somalida ee Moscow, Rusia oo hadba calan laga taago
Ilo ku dhow-dhow safaaradda Somalida Moscow ee dalkaasi Ruushka oo lasoo xiriiray shabakadda warbaahinta Calanka.com ayaa inoo xaqiijiyay in safaaraddaasi ey mudooyinkii ugu danbeeyay ka taagnaayeen khilaaf weyn oo ku aadan xaga maamulka safaaradda iyo qaabka ey u shaqeyso, iyadoo ilahani ey sidoo kale inoo xaqiijiyeen in safaaradda laga taago mararka qaar calan kale oo aan aheyn kan Somaliya.
Safaaraddan oo uu madax ka yahay safiirka lagu magacaabo Maxamed Maxamuud Xandulle ayaa lagu eedeynayaa qodobada hoos ku xusan:
1-In ay safaaradda Somaliya ee Russia noqotay hanti gaar ah.
2-In safaarada aanan laga aqoosanayn Midnmada iyo Qaranimada Soomaliyeed.
3-In Pass-porka Somaaliga la siiyo ajnabi loona diido Soomalidii xaqa u lahayd.
4-In dadka la siiyay Somali Diplomatic Pass-port ay ka badan yihiin inta Ka shaqeyso Wasaaradda Ar. Debeddda Somalia, kana yimaadeen hal Jufo oo kaliya.
5-In guryihii safaaradda Somalia loo adeegsaday qaab ka baxsan Diplomaaasiyadda.
6-in safaaraddu ey kala qeybisay jaaliyadda Soomaliyeed ee Ruushka, loona diido Safaaradda marka laga reebo hal jufo.
7-In dakhliga safaaradda oo ka badan miisaaniyadda Dowladda FKMG, kana yimid ilo Guracan loo adeegsado kala qeybinta iyo Sharaf dilka Sooaamlida.
8-In been-abbuur laga sameeyo qof-kasta, xitaa madaxda Somaliya iyo Arr. Somalia.
9-In balan qaadyo been-abuur ah oo hanti gelin ah dadka qaar loo sheego.
10-In waxbarashada aan loo sinayn, xitaa jiraan in dad Ajnabi ah ey magaca Somaliya Wax ku bartaan.
11-In ceebeyn Joogto ah loogu geysto safaaradda dadka Somalida iyo dalkooda.
Ashtako
Jaaliyadda Somaliyeed ee Ruushka iyo ilahan ku dhow-dhow safaaradda ee nala soo xiriiray ayaa inoo sheegay in ey ashtako u gudbiyeen madaxda dowladda Somaliya oo ku aadan arinta safaaradda iyo madaxdeeda.
Waxaa sidoo kale la sheegay in Safaaradda laga ololeeyo arimo la xiriira Somali-land, iyadoo mararka qaarna ey safar ku timaado haweeney la sheegay in ey walaalo yihiin safiirka oo lagu magacaabo Fowsiyo Xandulle oo iyadu dagan dalka Finland islamarkaana u qaabilsan Somali-Land dhanka Scandinaviyanka iyo suuqgeynta Somaliland.
Eedeymahan loo jeediyay Safaaradda Somalida ee Moscow iyo masuuliyiinteeda ayaanan wali wax jawaab ah ka bixinin
Comments (10 posted):
mahadsanid
05 Aug, 2008 07:34:00 2008
Font size:

marka u marqaamuu indhaha kor u majiiraaye
markaasuu malaa'igta iyo maxamed caayaaye
safaaraddu maaahan safaarad iidoor ee waa mid soomaaliyeed hana u malaynina in inta u dhaxaysa gabiley iyo wadaama gooye dawlad lagu noqon karo
iga raali noqda hadii aan hadalkeeyga meel idika dhacay wasaalam khitaam.
akhuukum filaah C/rashid
Post your comment