Linkz
Bar_aljabra_165065489.jpg baro_english_153740289.jpg
  • Home | News | Gudoomiyaha Isbaheysiga Xoreynta Garabka Jabuuti Sheekh Sharif oo goor dhaweyd soo gaaray magaalada Jabuuti.

    Gudoomiyaha Isbaheysiga Xoreynta Garabka Jabuuti Sheekh Sharif oo goor dhaweyd soo gaaray magaalada Jabuuti.

    Font size: Enlarge font

    Wafdi ballaaran oo uu hogaaminayo Gudoomiyaha Isbaheysiga Xoreynta garabka Jabuuti Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa goor dhaweyd soo gaaray magaalada Jabuuti kadib socdaal maalmo qaatay oo ay kusoo kala bixiyeen dalalka Masar iyo Sudan.

    Wararka naga soo gaaraya magaalada Jabuuti aya sheegaya halkaasi in si weyn loogu soo dhaweeyay xubnaha Wafdiga Sheekh Shariif isla markaana ay soo gaareen Hotelkii ay hore kaga deganaayeen magaaladaasi.

    Sheekh Shariif waxaa uu ka qeyb galayaa kulan laga yaabo maanta in uu ka furmo magaalada Jabuti kaasi oo ay isku arkayaan dhinacyada dawlada Federaalka iyo Isbaheysiga Xoreynta si loo sii lafa guro heshiiski 9-kii June.

    Waxaa ay labada dhinac isla sameynayaan guddiyo dhanka siyaasadda,Amniga iyo Dib U heshiisiinta kuwaasi oo si wada jir ah isula shaqeyn doona lagana yaabo qaarkood in ay yimaadaan gudaha dalka Somaliya.

    Add to: Add to your del.icio.us del.icio.us | Digg this story Digg

    Comments (0 posted):

    Post your comment

    Please enter the code you see in the image:

    • Email to a friend
    • Print version
    • Plain text
    Rate this article
    0
    Powered by Vivvo CMS v4.0