Ururka Hubeysan ee Al-Shabaab Al Mujaahideen ayaa shaaca ka qaaday in 8 kamid ah Ciidamadii dawladda ee shalay gaaray degmada Xudur ay isku soo dhiibyeen iyaga iyo hubkoodii isla markaana ay dhankooda lacago siiyeen.
Afhayeenka Al-Shabaab Sheekh Mukhtaar Roobow Abu Mansuur ayaa warbaahinta u sheegay in 8-da askari ay lacago ka siiyeen hubkii ay wateen isla markaana aysan wax dhibaato ah u geysan si wanaagsana ula dhaqmeen.
Waxaa uu intaasi raaciyay Sheekh Roobow in ciidamadaasi ay doonayeen in ay faraha kala baxaan howshii ay ku jireen isla markana ay eheladooda aadaan sidasi daraaded ay siiyeen lacago ay ku aadi karaan eheladooda ku sugan meelo kala duwan oo kamid ah dalka.
Abu Mansuur waxaa uu ugu baaqay xoogaga dawladda Federaalka Somaliya hadii ay doonayaan sidaasi oo kale in ay Al Shabaab soo dhaweynayaan isla markaana hubkooda laga iibinayo iyadoona aan lagu qasbeyn xitaa in ay kula biiraan dagaalada ay ka wadaan Somaliya.
Post your comment
Comments (0 posted)
Powered ByBoondheere.com