Archive

Mo Tu We Th Fr Sa Su
12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31



Somali BBC

SomaliLinks

  • Did you enjoy this article?

    (total 0 votes)

    Khartuum 25.03.2025 waxaa magaalada Khartuum ku jooga hogaanka sare ee Isbaheysiga dib u xoreynta Soomaaliya oo ka soo kicitimay magaalo madaxda dalka Eritareeya ee Casmara kadib markii ay marti qaad rasmi ah ka heleen dowlada dalka Suudaan.
    Wafdiga Isbahaysiga uga qayb galaya wada hadalada ayaa waxay ka kooban yihiin 4 xubnood ,kuwaas kala ah sida aan wararka ku helayno.

    Gudoomiyaha Isbaheysiga ahna gudoomiyaha fulinta ee Isbaheysiga Sheikh Sharif Sheikh Ahmed.
    Gudoomiyaha golaha dhaxe ee Isbaheysiga Mudane Sharif Hassan Sheikh Aden.
    Gudoomiye ku xigeenka labaad ee Isbaheysiga ee Fulinta Genaral Jama Mohamed Khalib 
     Mudane Mohamed Abdi Yusuf oo ka tirsan golaha dhaxe ee Isbaheysiga dib u xoreynta Soomaaliya.
    Sida ay wararka sheegayaan Hogaanka Isbaheysiga ayaa wadahadal la leh dowlada dalka Suudaan,iyagoo ka wada arinsan doono xaalada dalka Soomaaliya.
    Bilihii la soo dhaafay ayaa waxaa magaalada Casmara booqashooyin ku kala bixiyey wufuud caalami ah si ay ugala xaajoodaan Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya xaalada dalka Soomaaliya, wufuuda Casmara tagtey ee la xaajootey hogaanka Isbaheysiga waxay kala ahaayeen, safiirada wadamada reer Galbeedka iyo Safiirka dalka Mareykanka ee jooga dalka Eritareya, wasiirka qorshaynta iyo xiriirka caalamiga dalka Holand iyo wakiilka xoghayaha guud ee qaramada midoobay.
    Dadaladaan ayaa soo ifbaxaya kadib markii ay fashilmeen qorshihi ay ciidamada Ethopia iyo wadamada IGAD ku doonayeen inay caburiyaan shacabka Soomaaliyeed, kuwaas kala hor yimid diidmo balaaran.
    Masuuliyiintaan ayaa wada aaminsan in marka hore laga saaro ciidamada Ethopia Soomaaliya kadibna Soomaalida dhaxdeeda ka wada hadli karaan mustaqbalka dalkooda, hasayeshee waxaa socda dadaalo ay ku doonayaan wadamada qaar in la isku keno dhinacyada isku haya arimaha Soomaaliya, kuwaas oo kala ah Isbaheysiga Dib u xoreynta iyo kooxda Mabagathi oo maqaar saarka u ah Tigreega dalkeena haysta.
    Wixii ka soo baxa dib baan idin kaga soo gudbin doonaa hadii Allah idmo.
    Ilo xog ogogaal ah

    • Email to a friend
    • Print version
    • del.icio.us
    • Digg this

    Post your comment Comments (0 posted)