SomaliLinks
Did you enjoy this article?
Warar lagu kalsoon yahay oo laga helay ilo muhiim ah oo ku dhow Wakiilka Xogahayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya Mr. Axmeduo Oulad Abdallah ayaa sheegaya in dhowaan ay Xafiiskiisa soo gaareen Magacyada Ergooyinka uga qeyb galaaya shirka hordhac ah oo loogu gogol xaaraayo shirweynaha dib u heshisiinta ee lagu wado inuu dhowaan qabsoomo, shirkaan oo goobta lagu qabanaayo aan weli la isla meel dhigan, ayaa warar hoose waxey sheegayaan in dalal badan ay xusul duub ugu jiraan sida Sacuudiga, Qadar, Kenya, Talyaaniga & Faransiiska oo doonaya in Xarunta Un-ka lagu qabto, kaasoo ay ka qeyb qaadan doonaan Ergo ka kala socota Hogaanka Sare ee Isbaheysiga dib u xoreynta Soomaaliya iyo xubno ka wakiil ah Kooxda Imbagati.
Xogtaan ayaa sheegeysa in maalinta berri ah oo ah 13-04-08 ay magaalada Jabuuti soo gaari doonaan wafdi balaaran oo ay horkacayaan Hogaanka sare ee Isbaheyisga Sheekh Shariif Sheekh Axmed & Shariif Xasan Sheekh Aadan, waxaana la mid ah Prof. Ibrahim Xasan Cadow, Cabduqadir Dhaqane, Prof Gaandi,Cabdulahi Xuseen Kaahiye, Cabdulahi Sheekh Salaad, Inj Xuseen Maxamed Ceydiid, Cumar Iimaan Abuubakar, Ismaaciil Xaaji, Cabdiraxmaan Ibbi, Gen.Jaamac M.Qaalib. waxeyna wada hadal la yeelan doonaan Madaxweynaha Jabuuti & xubno ka tirsan xukuumadiisa, sidoo kale waxey wada tashi la yeelan doonaan Wakiilka arrimaha Soomaaliya Mr. Ahmeduo O. Abdallah, wada hadlkaasoo la filaayo in looga doodo qaabka uu u bilaabanaayo shirka iyo goobta lagu qabanaayo iyagoo talo ka dhiiban doona halka ku haboon, waxeyna wararku sheegayaan iney door bidayaan dalalka, Sacuudiga & Qadar, halka kooxda Imbagati ay soo jeediyeen in lagu qabto Ethiopia ama Kenya, sidoo kale waxaa meesha ka marneyn talooyin ay soo jeediyeen Wakiilka Talyaaniga & kan Faransiiska kuwaasoo kala wata dalka Talyaaniga & Xarunta UN-ka, Ila wareedyo diblomaasiyadeed ayaa intaasi raaciyay Hogaanka Sare ee Isbaheysiga ay u gudbiyeen 3 xubnood oo uga qeyb qaadan doono shirka gogol xaarka ee ay la yeelan doonaan Kooxda Imbagati, waxaana la sheegay in xubnahaani ay kala yihiin Dr.Cumar Iiman Abuubakar, Gen.Jaamac Maxamed Qaalib & Prof.Ibraahim Xasan Caddow, halka kuwa Kooxda Imbagati la sheegay iney kala yihiin Col.Nuur Xasan Xuseen Dr.Axmed Cabdisalaan iyo Axmed Cali Jangeli,
- Email to a friend
- Print version
- del.icio.us
- Digg this
Post your comment
Comments (0 posted)
More News
- Xoogagga kasoo horjeeda dowladda oo xalay galay Baladweyne iyo qaar kamid ah Maamulkii Gobolkaasi oo iscasilay.
- Lamaanaha ugu dada yar oo laaysku guuriyay
- Magacyada Ergooyinka Shir Dib U Heshiisiinta Ee Jabuuti.
- Maleeshiyaada Imbagati Oo Boob Ka Waday Suuq Bacaad.
- wadaadadii qabsaday Jowhar oo sii daayay maxaabiistii Daawo Video
- Dad Somalied oo ku xirnaa xabsiga Guantanamo bay ee ku yaal Gacan Biyoodka Cuba oo la sii deeyn lahaa Ayaa dib loo dhigay sii deeyntooda
- Gudoomiye Yuusuf Dabageed oo sarakiishii Itoobiyaanka ee ka baxay Balad Weyne ku baryaya in ay dib usoo laabtaan.
- Shirkada Rangers Oo Gadiid Kala Soo Degtay Boosaaso.
- Maamul la`aan iyo dhac ka taagan Gobalka Hiiraan....
- Shiikh Muukhtaar Roobow: Anaga Ma dilin Ajanabiga, mana jiraan waraaqo aan ognahay oo lagu daadiyey suuqa bakaaraha, digniina u jeediyey dadka sheegta magaca shabaab.
- Wardheere: Soomaalida London waxaan ugu baaqayaa in aanay u kala harin taageeridda Murashaxa Mudane Zakariye X. Maxamuud ee London Assembly (Endorsement)
- Dad fara badan oo xalay dhibaato ay kasoo gaartay Bam gacmeed lagu tuuray Shineemo Marka kutaalla