Archive

Mo Tu We Th Fr Sa Su
1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031



Somali BBC

SomaliLinks

  • Did you enjoy this article?

    (total 0 votes)

    Dagaal qaraar ayaa gordhaweyd ka qarxay xaafad ka tirsan Degmada Yaaqshid ee Magaalada Muqdisho, iyadoo dagaalku u dhexeeyo Ciidamada Itoobiya ee ku sugan deegaanka carafaad iyo agagaarka isgoska towfiiq.

    Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu ku bilowdey ka dib markii kooxaha ka soo horjeeda Dowlada ay weerar gaadma ah ku qaadeen Ciidamada itoobiya ee ku sugan agagaarka Carafaad sida uu Soomaainews u sheegay Nuune Daahir Xaaji.

    Dagaalka ayaa waxaa laysku adeegsanayaa hubka nuucyadiisa kala duwan, islamarkaana si weyn loo maqlayo Madaafiicda kala duwan oo ay isku adeegasanayaan ciidamada Dowlada itoobiya iyo xoogagga ka soo horjeeda.

    Lama soo shiigin ilaa hada qasaaraha uu gaystay dagaalkaas oo ahaa mid xoogan, iyadoo aan la’ogaan Karin qasaaraha sababta oo ah xaafadaha oo cidla ah.

    • Email to a friend
    • Print version
    • del.icio.us
    • Digg this

    Post your comment Comments (0 posted)