Archive

Mo Tu We Th Fr Sa Su
1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031



Somali BBC

SomaliLinks

  • Did you enjoy this article?

    (total 0 votes)

    Qarax miino oo aad u xooggan ayaa waxa uu goordhaweyd ka dhacay Isgoyska Towfiiq degmada Yaaqshiid ee Magaalada Muqdisho, waxaana lala beegsaday Cutubyo ka tirsan Ciidamada Itoobiyaanka ah oo ka soo baxay sida la sheegay Garoonka Ciyaaraha ee Isbartiibada Muqdisho.

    Inta la ogyahay waxaa ku geeriyooday qaraxan lala eegtay Ciidamada Itoobiyaanka ah ilaa iyo Askari ka tirsan Ciidamada Itoobiyaanka ah, kaas oo sid la sheegay la socday gaari gacan ay ku wadeen Cunto oo ay u gudbinayeen Ciidamo kale oo ku sugan meel aan sidaa uga fogeen Isgoyska Towfiiq.

    Qaraxa ka dib ayaa sidii looga bartay Ciidamada Itoobiyaanka ah waxa ay fureen rasaas, taas oo sababtay geerida ruux rayid ah oo ku sugnaa Xaafadaas, walow aysan ganacsi aan sida u buurneyn uu san ka jirin waxaa xirmay goobihii ganacsiga ee ku yaallay Xaafadahaas.

    Maalmihii la soo dhaafaya ayeey aheyd markii Ciidamada Itoobiyaanku qaraxyo isdaba joog ah lagula bartilmaameedsanayay goobta uu haatan ka dhacay Qaraxa, hase ahaatee waxa uu qeyb ka yahay tiro qaraxya ah oo lala eegtay Ciidamada Itoobiyaanka ah.

    • Email to a friend
    • Print version
    • del.icio.us
    • Digg this

    Post your comment Comments (0 posted)

    More News