SomaliLinks
Did you enjoy this article?
Dagaaliyahano fara badan oo raacsan Ururka Al-Shabaab ayaa maanta gaaray degmada Bardaale ee gobolka Bay halkaasi oo dad badan ay kuso dhaweeyeen iyagoona aan la kulmin wax iska caabin ah.
Xoogaga Al-Shabaab ayaa la sheegayaa in saaka waabarigii ay galeen degmadaasi iyagoona kulamo xasaas ah la galay waxgaradka deegaankaasi si ay ugu soo bandhigaan ulajeedka socdaalkooda.
Dagaaliyahanada Al-Shabaab ayaa isku faafiyay dhinacyada kala duwan ee magaalada marki ay gaareen iyadoona halkaasi ay ka kala dhuunteen maleeshiyaadkii raacsanaa maamulka dawladda Federaalka.
Ma jiraan wax hogaamiyeyaal ka tirsan Al-Shabaab oo ka hadlay howlgalkaasi iyadoona xoogagi degmada Bardaale galay aysan wax hadal ah u jeedin dadkii halkaasi kusoo dhaweeyay.
Xoogaga Al-Shabaab ayaa dhowr jeer sidaasi oo kale ula wareegay gacan ku heynta degmooyin hoos yimaada Bay iyo Bakool iyadoona ay kusoo dabaaleen goobihii ay tageen amni iyo nabad galyo.
- Email to a friend
- Print version
- del.icio.us
- Digg this
Post your comment
Comments (0 posted)
More News
- Dagaaliyahano ka tirsan Al-Shabaab oo gaaray degmada Bardaale halkaasina si weyn ay dadweynuhu ugu soo dhaweeyeen.
- Qarax goor dhaw ka dhacay Isgoyska Siinaay ee Magaalada Muqdisho, kaasoo Sababay dhaawac dad rayid ah..
- Isbaheeysiga Dib u xoreeynta oo ku Hanjabay Ineey isaga baxayaan Wada hadalada Lagu balan san yahay Dalka Jabuuti
- Afhayeenka Maxaakiimta Islaamiga oo Falkii Mareeykanka uu ku Dilay Macalin Aadan Ceeroow ku tilmaamay Fal Fulaynimo ah (Dhageeyso)
- Dagaal yahada Ururka Al shabaab oo maanta lawareegay Degmada Ufurow ee Gobalka Bay.
- Xoogagga kasoo horjeeda dowladda oo xalay galay Baladweyne iyo qaar kamid ah Maamulkii Gobolkaasi oo iscasilay.
- Itobia & Uganda oo lagu eedeeyay in ey hub siiyeen kooxaha ka dagaalama Somalia
- Gudoomiyaha Isbaheysiga Xoreynta dalka Somaliya oo ku eedeeyay Eritrea in ay kala qeybin ku wado (Dhageeyso)
- Dagaal xoogan oo caawa ka dhacay Isgoyska Ex Control Balcad iyo hareeraha Warshadii Baastada.
- C/QAASIM SALAAD XASAN: “C/llaahi Yuusuf haddii uu is-leeyahay C/qaasim ha cararo, haddii aan cararayo mar hore ayaan carari lahaa.
- Qarax Ciidanka Ugandha Ee Amisom lagula Beegsaday Wadada aada Garoonka Aadan Cade
- Shiikh Xasan Daahir oo sheegay in ay Ciidamada Itoobiyaanka ka saarayaan Soomaaliya, Shirka Jabuuti-na aysan waxba ka soo baxeynin