Archive

Mo Tu We Th Fr Sa Su
1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031



Somali BBC

SomaliLinks

  • Did you enjoy this article?

    (total 0 votes)

    Waxaa maalinkii shalay dalka Jabuuti wada gaaray xubno ka kala socda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta, kuwaasi oo maanta lagu wado in wada hadallo uga furmaan magaalada Djibouti.

    Shirka ay isku soo hor-fariisinayaan labadan garab ayaa wuxuu yahay mid farsamo oo ay guddiyada labada dhinac ku jeex jeexayaan sidii ay isula meel dhigi lahaayeen in la helo jawi lagu xaliyo mushkiladda Soomaaliya isla markaana ay ku wada hadlaan mas'uuliyiinta labada dhinac, iyadoo sidoo kalena ay ka wada hadlayaan qaabka ay Ciidamada Itoobiyaanka uga bixi karaan Soomaaliya.

    Xubnaha Dowladda Federaalka uga qeybgelaya Wada hadallada

    Maxamed Cabdi Ashkir =: wasiirka dib uheshiisiinta dowlada
    Maxamed Cali Xaamud =: wasiirka maaliyada
    Nuur Iidow Beyle =: xildhibaan
    Maxamed Maxamuud Xeyd =: xildhibaan
    C/llaahi Shiikh Ismaaciil =: xildhibaan
    C/raxmaan Jaamac =: xildhibaan
    Cabdalla Boos Axmed =: xildhibaan
    Ibrahim Garabey =: xildhibaan
    Ismaaciil Macallin Muuse =: gudoomiyaha dib uheshiisiinta qaranka

    Xubnaha Isbaheysiga dib u xoreynta uga qeybgelaya wada hadalada

    Prof. Ibraahim Xasan Caddow
    Prof. C/raxmaan Xaaji Aadan Ibbi
    C/qaadir Xaaji Maxamuud Dhaqane
    C/raxmaan Maxamuud Jinaqow
    C/raxmaan Dheere
    Cumar Idiris

    Sidoo kale waxaa jira magacyo kale oo aan inoo suura galin inaa helno.

    Sikastaba ha haatee shirkaani ayaa waxaa uu yahay mid rajo laga muujinaayo in uu qabsoomo waxaana jira in Qaramada Midoobay ay garwadeen ka tahay shirkaasi.

    • Email to a friend
    • Print version
    • del.icio.us
    • Digg this

    Post your comment Comments (0 posted)