SomaliLinks
Did you enjoy this article?
Golaha Ammaanka ee QM, ayaa xalay ansixiyey Mashruuc Qaraar oo u fasaxayo Maraakiibta dagaalka ee shisheeyahaya inay geli karaan Baddaha dalka Somalia, si ay ula dagalamaan Kooxaha burcad-baddeedda khatarta ku haysa Maraakiibta ku socdaasha Baddaha Somalia.
15-ka xubnood ee Golaha Ammaanka ee QM, ayaa si wadajir ah ugu codeeyey Qaraar tirsigiisu yahay 1816, kaasi oo u oggolaanayo Dowladaha shisheeyaha inay ku geli karaan xuduud-baddeedka dalka Somalia, si ay uga hortagaan, ula dagaalamaan, una soo qabtaan Burcad-baddeeda khatarta ku haysa Maraakiibta shisheeyaha ee isticmaasha Baddaha Somalia.
Hindisahaasi oo ay Dowladaha Faransiiska iyo Maraykaanka soo gudbiyeen, ayaa waxa uu awood u siinayaa inay Dowladaha shisheeyaha muddo lix bilood ah kala shaqeeyaan DFKMGS sidii looga hortegi lahaa Burcad-baddeeddaasi, isla markaana ay Maraakiibtaasi u gelbin lahaayeen Maraakiibta Shixnadaha Samafalka u wada Ummadda Soomaaliyeed.
Qaraarkaasi, ayaa waxa uu qeyb ka yahay Codsiyo ay DFKMGS iyo Xoghayaha Guud ee QM, Ban Kii Moon ku codsadeen in taageero laga geysto sidii looga hortegi lahaa Burcad-baddeedaasi.
Golaha Ammaanka ee QM, waxa uu ugu baaqay Dowladaha ay Maraakiibta dagaalka iyo Diyaaradaha ka jooga meel ka baxsan Xeebaha dalka Somalia inay u feejignaadaan falalka burcad-baddeedka, iyo inay DFKMGS iyo Hay'adaha Caalamiga siiba Hay'adda Baddaha Caalamka ee IMO kala shaqeeyaan sidii loo ugaarsan lahaa Burcadda ka qowleysata Baddaha dalka Somalia.
Qaraarka, waxaa kaloo lagu xusay inuu Golaha Ammaanka ee QM walaac xooggan ka muujinayo cabsida falalka Burcadnimadda iyo dhaca hubeysan ee lagu soo qaadayo Maraakiibta iyo khatarta la gelinayo sidii Kaalmooyinka Samafalka loo gaarsiin lahaa dalka Somalia iyo Maraakiibta Ganacsiga ee Caalamka.
Dhinaca kale, Madaxweynaha DFKMGS, C/llaahi Yuusuf Axmed oo shalay xubnaha Golaha Ammaanka ee QM kula kulmay dalka Jabuuti, ayaa sheegay in arrimaha Burcad-badddeed tahay muhiimadda ay DFKMGS siinayo si wax looga qabto iyadoo Beesha Caalamka gacan wada-shaqeyn laga helayo.
Madaxweynuhu, waxa uu ku booriyey QM inay soo dedejiyaan ciiddamaddii wax ka qaban lahaa burcad-baddeeddaasi.
- Email to a friend
- Print version
- del.icio.us
- Digg this
Post your comment
Comments (0 posted)
More News
- Dagaal Culus oo ku dhexmaray xoogaga hubeysan iyo Ciidamada Uganda oo maanta kasocdo (Dhageeyso)
- Dagaaliyahano ka tirsan Al-Shabaab oo gaaray degmada Bardaale halkaasina si weyn ay dadweynuhu ugu soo dhaweeyeen.
- Qarax goor dhaw ka dhacay Isgoyska Siinaay ee Magaalada Muqdisho, kaasoo Sababay dhaawac dad rayid ah..
- Isbaheeysiga Dib u xoreeynta oo ku Hanjabay Ineey isaga baxayaan Wada hadalada Lagu balan san yahay Dalka Jabuuti
- Afhayeenka Maxaakiimta Islaamiga oo Falkii Mareeykanka uu ku Dilay Macalin Aadan Ceeroow ku tilmaamay Fal Fulaynimo ah (Dhageeyso)
- Dagaal yahada Ururka Al shabaab oo maanta lawareegay Degmada Ufurow ee Gobalka Bay.
- Sen. Barack Obama oo noqday ninkii ugu horeyey oo madoow ah oo u soo baxay Doorashada Madaxweynaha dalka Mareykanka
- Ciidamo ka tirsanaa Dowlada fadaraalka oo maanta u Galay Xoogaga Maxkamadaha.
- Golaha Amaanka oo ansixiyay qaraar ku saabsan badda Somaliya
- C/llaahi Yuusuf oo markale codsaday Ciidamo kasocda QM
- Yuusuf Dabageed oo ciidamada Itobia ku amreen in uu isaga baxo B/weyn.(Dhageeyso)
- Abul_mansur oo cadeeyay mowqifkooda ku aadan Shirka Jabuuti (Dhageeyso)